Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Duqii hore ee magaalada muqdisho oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu sheegay inaysan sharci ahayn in amaanka muqdisho lagu wareejiyo maamulka gobolka Banaadir.
Tarsan ayaa sidoo kale sheegay in amaanka dalka loo baahnaa in masuuliyadiisa ay qaataan Hay’addaha amaanka dalka, waxaana intaas uu ku daray in gudoomiye degmo, iyo maamul gobol in aan xilligaan lagu wareejin karin amaanka caasimadda.
Dhinaca kale gudoomiyii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sidoo kale sheegay in hadii ay dhacdo amaanka caasimadda lagu wareejiyo maamulka gobolka Banaadir loo baahnaa in la dhameystiro qorshooyin iyo istiraatiijiyad uu sheegay dhinaca amniga.
Warkaan kasoo baxay gudoomiyii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku soo aadaya xilli Hay’addaha amniga dalka iyo waliba Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ay shaaciyeen in amaanka caasimadda lagu wareejiayay maamulka gobolka Banaadir.


