Shir looga Hadlayo Doorashada Somalia ayaa maanta lagu wadaa in uu muqdisho ka furmo, waxaana soo qeybgalaya Madaxda Dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya Madexweynaha Soomaaliya iyo Maamulada Puntland,Jubbland,Galmudug, Koofurgalbeeb iyo waliba wakiil matalaaya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Shirkaan ayaa la sheegaya in uu yahay shirkii ugu dambeyey ee go’aan looga gaarayo doorashada la filaya in ay dhacdo Soomaaliya sanadkaan.
horay ayaa lagu heshiiyey inaan wax waqti kordhin loo sameyn dowladda uu hogaamiyo Xasan sheekh Maxamuud


