Wasiirka Wasaarada Qorsheynta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Ceynte oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ee Rayidka ah in laga doonayo in ay dib ugu laabtaan goobahooda shaqada.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in golaha Wasiirada dowladda Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay xilka ku wareejiyaan wasiirada cusub ee imaan doona.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in ciidamada dowladda , Diblumaasiyiinta iyo sidoo kale Shaqaalaha dowladda ee Rayid ka ah in ay dib ugu laabtaan shaqooyinkii ay qaban jireen si loo dardargeliyo howlaha dowladda.
Wasiirka ayaa ugu dambeyntii xusay in shaqaalaha Rayidka ah looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Shaqaalaha dowladda ee Rayidka ah , diblumaasiyiinta qaarkood iyo sidoo kale ciidamada dowladda ayaa lagu eedeeyay in ay shaqooyinkii ay kasoo tageen tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya.


