Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa soo saaray talooyin ku aadan in la abuuro ciidamo boliis ah kuwaas oo ka horatagaya falalka lidiga ku ah amni darada iyo dagaal beeleedyada ka dhacaya qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Golaha ayaa isku raacay in la helo ciidamo boliis ah oo ka hortaga falalka amni darada iyo dagaal beeleedyada ka dhacaya gobolada dalka.
Dhanka kale golaha wasiirada ayaa si caro leh waxa ay kaga hadleen dhacdadii ka dhacday magaalada Marka taas oo aheyd in 6 Caruur iyo Ayeeyadood la gubay.
Wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in talooyinka ay soo jeediyeen qaar ka mdi ah golaha wasiirada la isku raacay.
Golaha wasiirada ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay kaga hadleen waxkaqabashada dagaal beeldyada ka dhacaya gobolada dalka gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.


