Baay-RisaalaFM- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Baay ayaa maanta xukuno ku riday Askar ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed.
Sida uu soo sheegayo Wariyaha warbaahinta Risaala ee Magalada Baydhabo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta ka howlgasha Gobolada Baay iyo Bakool ayaa xukuno sanado ah waxa ay ku riday 5 Askari oo ka tirsan Ciidanka Koonfur Galbeed.
Askartan oo ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in ay ku kaceen fal ku aadan in ay iibsadeen Hubkii Qaranka, islamarkaan qarashkii ay kala baxeen si gaar ah u isticmaaleen.
Qaar ka tirsan Askarta xukunada lagu riday ayaa muujiyay Qiraal ku aadan in ay ku kaceen falkan, iyaga oo dalbaday in xukunada laga qafiifiyo.
Sidoo kale Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa xukun ku riday Nin ku eedeysnaa in uu ka tirsanaa Shabaab, kaasi oo laga soo qabtay Degaanka Awdiinle.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa ku dhawaaqay xukunada lagu riday Askartan, iyo ninka Shabaab ku eedeysan, wuxuuna sheegay xukunada lagu riday Askarta in uu uga furan yahay in ay soo celiyaan Hubkii ay iibsadeen, lagana qafiifinayo xukunada.


