Sacuudi-RisaalaFM- Sheekh Daahir Maxamuud Geelle oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Sacuudi ayaa ka warbixiyay adeegyo cusub oo sanadkan loo soo kordhiyay Xujeyda.
Wuxuu sheegay Sheekh Daahir Maxamuud Geelle xujeyda sanadkan in ay heystaan adeegyo caafimaad oo aysan heli jirin sanadihii hore, isagoo sidoo kale tilmaamay in haatan dhowr qof oo xujey ah qaliin lagu sameeyay.
Sheekh Daahir Maxamuud Geelle oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Sacuudi ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan xujeyda loo soo kordhiyay baabuurta Ambalaasta ah.
Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadan gudaneysa waajibaadka Xajka ayaa dhowaan gaaray Magaalada barakeysan ee Maka Al-Mukarama, halkaasi oo dhowr cisho kadib ay ka bilaabi doonaan gudashada Acmaasha Xajka sanadkan 2016-ka.
Xujeydaasi oo haatan ku sugan goobaha barakeysan gaar ahaan cimaaradaha Safa, Marwa iyo goobo kale oo ku yaalla magaalada barakeysan ee Maka Al-Mukarama ayaa waxa ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay, iyadoo maalmo yar ay ka harsan yihiin gudashada Acmaasha Xajka.
Guud ahaan Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jirta habsami u bilaabilda Xajka, waxaana ay dhameystirtay dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen Malaayiinta Dhuyuufu-raxmaanka ah ee martida ku ah Dalka Sacuudiga.


