DHAGEYSO: Xubno ka tirsan dowladda oo raadinaya xuquuqda gobolka Banaadir

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa sheegay in xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee lagu doortay Magaalada Muqdisho in ay raadin doonaan xaqa uu leeyahay gobolka Banaadir.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ay kala shaqeyn doonaan sidii Muqdisho ay u yeelan la heyd Maqaam.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in Magaalada Muqdisho ay tahay Caasimad , islamarkaana ay wada leeyihiin dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dadaal dheeri ah ku bixinaya sidii Magaalada Muqdisho ay u yeelan laheyd Maaqam ay qeyb uga noqon karto  Siyaasadda dalka lagu maamulaayo.