Dhageyso:-Xldhibaano ka soo horjeestay Go’aan kasoo baxay Guddoomiye Mursal

Qaar kamid ah Xildhibannada Golaha Shacabka ayaa kasoo horjeestay qoraalkii kasoo baxay Gudodomiyaha Golaha Shacabka ee 15 mudane looga joojiyay inay ka qeyb  galaan 5 Kulan ee soo socda.

Xildhibaannada kala ah Cabdirashiid Xidig iyo Sadiiq Xersi Warfaa ayaa waxaa ay sheegeen in Go’aanka uu qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana aysan u hoggaansami doonin.

Waxaa ay sheegeen in ay xasaanad leeyihiin, isla markaana aysan jirin cid ka hor-istaagi karta nay kulamada Golaha Shacabka ka qeyb galaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaannada kala ah Cabdirashiid Xidig iyo Sadiiq Xersi Warfaa.