Muqdisho-RisaalaFM- Maanta Waxaa Magaalada Muqdisho mar kale ka dhacay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya degaanada Waqooyi ee Dalka.
Doorashada Maanta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa ku tartamay Siyaasiyiin dhowr ah oo qaarkood xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.
Kursiga Koowaad oo ka mid ahaa Kuraastii ugu adkeyd ee Maanta ayaa waxaa la isla gaaray Wareega labaad, Waxaana ku tartamaayay Musharaxiinta kala ah Ibraahim Suleymaan Xaaji Nuur Waxa uuna Wareega Koowaad helay 9 Cod, Musharaxa labaad Cali Cusmaan Cali waxa uu isna helay 16 Cod halka Musharaxa Saddexaadna uu helay 21 Cod.
Kursiga Koowaad Waxaa Wareegay labaad codad gaaraya 33 Cod ku soo baxay oo ku guuleystay inuu ka mid noqdo Xildhibaanada Aqalka Hoose Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir.
Kursiga labaad, Saddexaad, Afaraad oo ay ku tartamaayeen Haween oo keliya Waxaa ku soo baxay Faadumo Ismaaciil Xuseen, Qadro Maxamed Tukaale iyo Suuri Diiriye Carab.
Kursiga Shanaad ee Maanta lagu doortay Muqdisho Waxa uu ka mid ahaa Kuraastii ugu adkeyd Waxaana ku tartamay Wasiir Ku Xigeenkii Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya Xaamud Cali Xasan iyo Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa sanadihii ugu dambeeyay Baarlamaanadii Dalka soo maray.
Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku guuleystay inuu mar kale ka mid noqdo Baarlamaanka Soomaaliya waxa uuna helay 25 Cod halka Xaamud Cali Xasan uu isna helay 22 Cod, Waxaana codeysay Ergo gaareysa 48 Cod hal ka mid ah codadkaasina wuu halaabay.
Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir iyo Cismaan Cilmi Boqore ayaa Warbaahinta u sharaxay dareenkooda iyo sida ay u arkaan guusha ay gaareen.


