Ku dhawaad 10 Qof ayaa la dhigay Isbitaalka Magaalada Burco ee Somaliland ka dib markii ay cuneyn Qaad la sheegey in uu sumeysnaa oo laga keenay dhulka oromada ee Itoobiya.
Dadkaan ayaa siyaabooyin kala duwan ugu xanuunsaday degaano hoos tagga Magaalada Burco ee Somaliland.
Sidoo kale Magaalada Hargeysa Isbitaal ku yaalla ayaa waxaa la dhigay dhowr Qof iyagoo la jiifaan xanuuno ay ka qaadeen Qaadka sumeysan ee dhinaca Oromada ka soo galay degaannada Somaliland.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadkaan ay cuneyn qaad sumeysan isla markaana ay ku xanuunsadeen.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in dadka Oromada ah ee Itoobiya ku nool ay horay u balan ku qaadeen in ay Somaliland soo gelinayaan ama ay keenayaan qaad sumeysan.
Waxa ay ugu digeen dadka Somaliland ku nool iney iska joojiyaan qaadka sumeysan kana fogaadaan dhibaatada uu wato.
Xildhibaanadaan ayaa Madaxda sare ee Somaliland ugu baaqay in ay arrintaan wax ka qabtaan.
Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay mid ka mid ah dadkii cunay qaadka eek u sumoobay waxa uuna sharaxayaa xaaladiisa Caafimaad iyo sida uu xanuunka u dareemay.
Colaadda u dhaxeysa Oromada iyo Soomaalida ayaa soo baxday kaddib markii 43 Qof oo Soomaali Ganacsato ah lagu dilay degaan ka mid ah dhulka Oromada kaddibna ay xigtay barakac farabadan oo ay sameeyeen labada Qowmiyadood.


