DHAGEYSO: Xildhibaano Jirdil iyo Xabsi loo geystay

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Somaliland ayaa maanta lagu jirdilay Magaalada Hargeysa ee Caasimada maamulka Somaliland ka dib markii ay kasoo horjeesteen Saldhiga dowladda Imaraadka Carabta ay ka dhisanayso  Magaalo Xeebeedka Berbera.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in sidoo kale Xabsiga la dhigay 3 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland sidoo kale ku dhawaad 6 xildhibaan la dhaawacay.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska in uusan aheyn mid sharciga waafsan ,islamarkaana heshiiskii ay maanta Ansixiyeen xildhibaanada Baarlamaanka uu yahay mid Guul daro u ah Jiritaanka Somaliland.

Xaalada Magaalada Hargeysa ayaa maanta kacsan.