Xubno ka tirsan Xildhibaannada baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa si kulul waxaa ay Maanta uga hadleen xariga Ciidamada Ammaanka Puntland ay u geysteen xubno ka tirsan guddiga dhismaha Wadada Bartamaha Magalada Boosaaso.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in xariga Xubnahaas ay kala hadleen Xubno ka tirsan Xukuumadda Puntland,hayeeshee wax garawsiyo ah ay ka siin waayeen.
Waxaa ay sheegeen Xildhibaannada in xariga Xubnaha Guddiga dhismaha wadada Boosaaso dhibaatada ka dhalata ay qaadi doonaan madaxda sare ee Puntland,isla markaana tira ka dhowr jeer aysan wax natiijo ah kasoo biixn wadahadallo lagu doonayay in Xubnahaas lagu siidaayo.
Dhinaca kale Xildhibaannada ayaa soo hadal qaaday lacagta ay dowladda Federaalka ugu deeqday dhismaha wadada Bartamaha Magaalada Boosaasow,waxaana ay sheegeen in mudo 48 ka badan, iyada oo aan wax maxkamad la soo taagin aan xabsi lagu heyn Karin qof muwaadin ah.
Hay’adaha amniga iyo kuwa Garsoorka Puntland ayay ka dalbadeen in xurriyadooda la siiyo xubnaha Guddiga,isla markaana ay mudan yihiin in magdhow la siiyo,waxaana sy heegene in xukuumadda Puntland kula xisaabtami doono xarigaas oo ay sheegeen in uu yahay sharci darro.



