DHAGEYSO: Xildhibaano baaq u diray gudoonka golaha Shacabka Soomaaliya

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kullan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in uu buray mooshinkii dhawaan laga keenay madaxweynaha waxa ay ayna baaq u direen gudoonka golaha shacabka.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ahaa xildhibaanadii kulanka goob jooga ahaa ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in ay heshiiyaan gudoonka golaha shacabka oo uu sheegay in uu qilaaf soo kala dhex galay.

Waxa uu sheegay in hadii ay dhacdo in ay heshiin waayaan gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen in xildhibaanada ay dooran doonaan gudoon cusub oo horay u wadi kara howlaha baarlamaanka.

Sidoo kale waxa uu xildhibaanka ugu baaqay xildhibaanada golaha shacabka in ay gudi u saaraan dhibaatooyinka ka jira Baydhabo si ay usoo xaliyaan.