Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka maqan Magaalada Cadaado ugu baaqay in ay si deg deg ah ay kusoo xaadiraan Maadaama maanta oo Axad ah uu furmaayo kalfadhiga Baarlamaanka Galmudug.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaanada Galmudug qaarkood bilihii lasoo dhaafay aqoon kororsi ay u joogeen Magaalada Muqdisho.
Howlaha Baarlamaanka ayuu sheegay Cali Gacal Casir in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dardar gelin doono.
Xildhibaanada kale ee ku sugan gudaha degaanada Galmudug ayuu ka codsaday in ay yimaadaan Cadaado , halkaasi oo ay ku shiraan Xildhibaanada Galmudug.


