DHAGEYSO: Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan ka yeelanaya qorshaha Doorashada 2016

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ku yeelanayaan kulanoodii caadiga ahaa.

Waxaana ajandaha kulanka looga hadlayaa qorshaha Doorashada sanadkan la filayo in ay ka dhacdo dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka maanta uu qaadan doono waqti badan maadaama arimaha laga hadlayo ay yihiin kuwo ku aadan Doorashada sanadkan la filyao in dalka ay ka dhacdo.

Xidhibaan Maxamed Cumar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xildhibaanada aysan marnaba dooneyn in waqti kordhin loo sameeyo muhiimadoodana ay tahay si u uusan udhici laheyn isqab qabsi.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa la filayaa in ay meel mariyaan sharciga Doorashada sanadkan dalka ka dhaceysa.