DHAGEYSO: Xildhibaanad Ubax Tahliil oo baaq u dirtay dowladda Soomaaliya

Iyadoo shalay Magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay duqeyntii ka dhacday duleedka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Dowladda loogu baaqay in ay Caadfimaad dibada ah u qaado qaar ka mid ah askartaasi.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqday in ay daryeel iyo Caafimaad ugu qaado dhaawacyada halista ah oo ay qabaan qaar ka mid ah askarta Galmudug ee waxyeeladu ka soo gaartay duqeyntii duleedka Gaalkacyo.

Waxa ay tilmaantay in ay ku dadaalayaa sidii ay Dowladda ugu cadaadin lahaayeen In ay dibada u qaadaan dhaawacyada daran ee Muqdisho la soo gaarsiiyay.