DHAGEYSO: Xildhibaan Xaaf oo fariin u diray Puntland

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena ka soo jeeda Gobolka Mudug ayaa ka dalbaday Maamulka Puntland in ay magdhow ka bixiyaan Ciidankii ka tirsanaa Maamulka Galmudug ee lagu laayay Duqeyntii ka dhacday Deegaanka Jeexdin oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sidoo kale ka dalbaday Maamulka Puntland in ay raali gelin ka bixiyaan waxa ka dhacay Gobolka Mudug, isaga oo sheegay hadii Puntland ay arintaasi sameyn weydo, in ay qaadanayaan wixii Mas’uuliyad daro ah oo ka dhaca Gobolka Mudug.

Duqeyntii ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug ayaa waxaa fuliyay Diyaaradaha Dowladda Mareykanka, gaar ahaan Ciidanka Mareykanka ee saldhiga ku leh Garoonka Diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo, iyadoo la sheegay xogta ku aadan weerarkaasi in ay bixiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Maamulka Puntland.