DHAGEYSO: Xildhibaan Ilyaas “Waa nagala been abuurtay”

Muqdisho-RisaalaFM- Ku dhowaad 40 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo Kulan Ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay uga hadlayeen Mooshin ay ka keeneen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Madaxweenaha Maamulkaasi.

Qaar ka mid ah xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa waxa ay shegeen in magacooda iyo kursigooda loo adeegsaday si qaldan Mooshinkana uu yahay wax kama jiraan, ayna wataan dad dano gaar ah leh, lagana been abuurtay.

Xildhibaan Ilyaas Xasan Cali oo ka mid ah xubniihi xildhibanada ahaa ee kulanka ku yeeshay Magaalada Muqdsho ayaa kulanka marka uu soo dhamaaday kadib warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale Ilyaas Xasan Cali ayaa sheegay xildhibaanada Mooshinka wada in aysan ka turjumeyn shacabka iyo Maamulka, ayna iska gaareen go’aan aanan loo meyl dayin.

Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed oo sheegay in ay gaarayaan 100 ayaa horey u sheegay in ay Mooshin ka wadaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasi oo ay ku eedeeyeen in uu mugdi geliyay Maamulka Koonfur Galbeed.

 

koonfur 1 koonfur 2 koonfur 3 koonfur 4