Dhageyso:-Xildhibaan sheegay in Madaxweyne Farmaajo balan uga baxay

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadka ku nool Gobolkan Banaadir aysan wax xaquuq ah ka heysan dowladda Federaalka,isla markaana dowladda ay u sameyn la’dahay Maamul u gaar ah.

Waxaa uu sheegay in xilligii doorashada uu Madaxweyne Farmaajo u balan qaaday in Maamul gaar ah uu u sameyn doono Muqdisho,hayeeshee uusan fulin balantaas,waxaana uu ugu baaqay in uu madaxweynaha uu fuliyo balantii uusameeyey.

“Madaxweynaha Xildhibaano kasoo jeeda Muqdisho ayuu yiri I doorta Banaadir State ayaan ku dhawaaqayaa laakin ma fulin,marka in dadka muqdisho laga dabageeyo ma fiicno lana yiraahdo dowladnimada dhowra wixii kasoo baxana anagaa leh ayuu yiri ” Xildhibaan Cosoble.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Muqdisho aan lagu kalifin inay dhib ka Shaqeeyaan oo ay u guuraan Ceelasha Biya ee xaquuqdooda haka helaan dowladda oo hala siiyo.