DHAGEYSO: Xildhibaan Bayle oo ka hadlay Qaxootiga laga soo celinayo Yurub

Wasiirkii Hore ee Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle , hadana ka mid ah xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dadka Soomaaliyeed ee la sheegay in laga soo celinaayo dalalka Qaarada Yurub.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee gaaray Yurub ay mareen dhibaatooyin oo aad u farabadan , islamarkaana sharciga Caalamiga ah uusan qabin in lasoo celiyo.

Bayle ayaa sheegay in dadkaasi hadii lasoo celinaayo in ay muhiim tahay in ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin Qaramada Midoobey.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dalalka Yurub Qaarkood ay ku hanjabaan in ay soo celinayaan Qaxootiga Soomaaliyeed.

Wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha dibada , hadana ka mid ah xubnaha Aqalka Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa xusay in loo baahan yahay in la ilaaliyo shuruucda Caalamiga ah ee Qaxootiga.