DHAGEYSO: Xilal loo balan qaaday xildhibaanada DF

Muqdisho-RisaalaFM- Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sameynaya dadaaladii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan helida codadka xildhibaanada Baarlamaanka, maadaama saacado kadib ay bilaaban doonto Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa balanqaadyo isugu jira xilal iyo lacagba u sameynaya xildhibaanada ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka, si ay u siiyaan codadkooda, oo ay u guuleystaan.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo la hadlay Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan balanqaadyo xilal ah, oo loo sameynayo xildhibaanada.

Sidoo kale Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa sheegay Musharaxiinta in ay sameynayaan wax walba oo ay codad kaga heli karaan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.