Holland-RisaalaFM- Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maanta gaaray Magaalada Hague ee dalka Holland halkaasi oo berri la filayo in ay ka bilaabato Dacwada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan Badda.
Dr. Axmed Cali Daahir ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysato doodaasi, maadaama uu sheegay Kenya in ay ku doodeyso arimo aanan jirin oo ku aadan Badda.
Xeer Ilaaliyaha Qaran Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay arimaha la dhageysan doono in ay tahay is hor istaag Dowladda Kenya ay isku deyday in ay ku sameyso Dacwadda dooda.
Maalinta Berri ah oo arimaha Dacwada ay bilaaban doonto ayaa waxaa hadalka lagu bilaabi doonaa Dowladda Kenya, gaar ahaan Garyaqaanka Kenya u doodaya.


