Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa soo saaray amar la xiriira in Magaalada Baardheere ay ka baxaan Xaasaska Ragga ka tirsan Ururka Al Shabaab ee ku nool Magaalada Baardheere,.
Guoomiyaha ayaa sheegay in muddo dhan 7 cisho loo qabtay haweenka ay qabaan dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab in ay kaga baxaan magaalada.
Cadow Nuur xasan Gudoomiyaha Magaalada Baardheere oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan xasaaska ay qabaan ragga ka tirsan Al-Shabaab hadii aysan ka bixin gudaha degmada Baardheere.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in falalka amni daro ay qeyb ka yihiin haweenkaasi sidaas darteed maamulka ay go’aansadeen in ay ka saaraan magaalada Baardheere.


