DHAGEYSO: Xaalado adag oo ka taagan Bakool

Bakool-RisaalaFM- Guddoomiyaha Degaanka Yeed ee Gobolka Bakool C/fataax Duwane ayaa waxa uu ka hadlay biyo yarida iyo cudurka shuban biyoodka oo si aad ah ugu faafay Tuulooyinka hoostaga Degaankaasi.

Waxa uu sheegay maalmihii la soo dhaafay cudurkaasi in ay u geeryoodeen dad fara badan, kuwaasi oo u badan caruur.

Sidoo kale Guddoomiye C/fataax Duwane ayaa waxa uu sheegay biyo yarida xilligan ka taagan Degaanka Yeed ee Gobolka Bakool in ay saameeyeen dadka iyo duunyada.

Warbixinta warkan waxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).