DHAGEYSO: Xaalad nolol xumo ah oo ka jirta Sh/Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Maamulka Degaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu ka hadlay dadka barakacayaasha ah ee ku dhibaateysan Degaanada Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Degaanka Leego.

Guddoomiyaha Degaanka Leego Abuukar Isaaq Al-Cadaala oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay dad fara badan oo barakacayaal ah in ay isugu yimaadeen Degaanka Leego, kuwaas oo aan heysan nolol maalmeed ku filan.

Waxa uu sheegay Qaxootigan in waqti dhow aan gar gaar la soo gaarsiin oo ay dhibaateysan yihiin, isagoo sidoo kale sheegay Madaxda Dowladda in aysan waxba u qaban dadka dhibaateysan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Degaanka Leego Abuukar Isaaq Al-Cadaala ayaa Hay’adaha gar gaarka ugu baaqay in ay gara gaar la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolada qaar ee Dalka ayaa hada waxaa ka jira Abaaro aad u daran kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada, waxaana socda dadaalo dadkaasi lagu bad baadinayo.