Weerarkii gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Xaafada Taleex ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay inta la xaqiijiyay 6 qof oo dhimasho ah iyo 6 kale oo dhaawac ah.
6 dhimatay ayaa Afar ka mid ah waxay ahaayeen Soomaali, halka Labada kalena ay ahaayeen Turki.
Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay lix qof, oo shan ka mid ah ay ahaayeen Turki halka mid kalena uu ahaa Kenyaan.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Idaacada BBC ayaa xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca shaqaalahaasi.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dhamaantood ay ahaayeen macalimiin ka shaqeyneysay Iskuul ku dhex yaalla Isbitaalka Deva ee magaalada Muqdisho.


