Dadka ka soo jeeda Koonfurta Somaliya ee deegaanada maamulka Puntland ku nool ayaa dalbaday inaan loo dhibaateyn amni darada Shabaab ay geysanayaan Magaalooyinka puntland.
Malaaq Deeroow oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda koofurta Soomaaliya oo hada ku sugan puntland ayaa u sheegay idaacadda Risaala in aysan Shabaab ahayn dadka kasoo jeeda koofurta soomaaliya ,islamarkaan aya yihiin dad ganacsataa.
Malaaq Deeroow ayaa sidoo kale ka codsatay maamulka puntland in ay tixgalinyaan dadka ganacsada ee kasoo jeeda koofurta kunool ee puntland ,maadaam uu sheegtay in ayyihiin dad ganacsiyo waa weyn kuleh magaalooyinka puntland.
Dhawaan ayey ahayd markii dhac iyo boob loo geystay dukaamo ay leeyihiin dadka kasoo jeeda koofurta Soomaaliya ee kunool Magaalada Qardho ee Gobalka bari.


