DHAGEYSO: Wasiirka Haweenka” waan diyaarinay sharciyadii lagu hormarin lahaa haweenka”

Inkastoo Maanta Soomaaliya laga xusay maamilnta caalamiga ah 8 Maarso ayaa hadana taliska ciidanka AMISOM ee howlgalka u jooga Soomaaliya xaruntooda ay ku leeyihiin magaalada muqdisho Xalane waxa ay ku qabteen munaasbad lagu weyneynayo maalinta caalamiga ah ee 8 Maarso.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galaya masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday dowladda Soomaaliya, Ururada bulshada rayidka, Xubno matalaya maamulada dalka ka jira iyo xubno ka socday beesha caalamka.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumada federaalka Soomaaliya Zahro Maxamed Cali Samatar oo munaasabada hadalo ka jeedisay ayaa sheegtay in wasaarada haweenka ay diyaarisay sharciyadii lagu hormarin lahaa haweenka.

Sidoo kale wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumada federaalka Soomaaliya Zahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya uu ka dhaco isbedel siyaasadeed sanadan 2016, iyadoona sheegtay in haweenka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay muujiyaan isbedel siyaasadeed si ay kaga soo muuqdaan siyaasada dalka.

Wakiilka Midowga Africa ee howlgalka u jooga Soomaaliya oo madasha hadalo kooban ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo haweenka Soomaaliyeed ay ka caawin doonaan hormarinta haweenka Soomaaliya.