Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hada kadib Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Mushaaraadkooda ay si joogto ah u qaadan doonaan.
C/qaadir Sheekh Cali (Diini) Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaariyeen Qorshe cusub oo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku qaadan doonaan Mushaaraadkooda.
Wuxuu meesha ka saaray in musuq maasuq lagu sameeyo Mashaaraadka Ciidanka, isagoo sheegay in hada wixii ka dambeeya Askari walba oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka uu heli doono xuquuqdii uu ku lahaa Dowladda.
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali (Diini) ayaa ugu dambeyn tilmaamay Ciidanka Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka ay heli doonaan Mushaaraadkooda oo ay xaq u lahaayeen.


