Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed oo la hadlay VOA ayaa sheegay weerarkii xalay ka dhacay degaanka ee gobolka Shabeellaha Hoose in ay fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka, oo aysan lug ku laheyn Ciidamo kale.
Wuxuu sheegay Wasiirka Difaaca Soomaaliya dadka halkaasi lagu laayay in ay ahaayeen 9 Qof oo rag ah, kuwaasi oo hubeysnaa, diideyna in ay dhigaan Hubka, xabadna bilaabay, Ciidamadana ay sidaasi ku dileen.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in la baarayo hadii ay yihiin dadka la dilay maleeshiyo beeleed, dad beeraley ah iyo ururka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in howlgalkaas ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo ay leedahay Shirkadda Bancrof-ta oo Ciidamada ka taageera dhanka Howlgalada.
Marka laga soo tago warka Wasiirka ayaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxay sheegeen dadka lagu laayay Bariire in ay ahaayeen shacab beeraley ah, oo aan waxba galabsan, waxaana dadkii halkaasi lagu laayay la keenay maanta Muqdisho, sawirro laga soo qaaday waxaa ka muuqday laba caruur ah.
Degaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ahna Tuulo yar oo ay degan yihiin dad beeraley ah ayaa waxaa ay sanadihii ugu dambeeyay saldhig weyn u aheyd ururka Al-Shabaab, balse dhowaan halkaasi waxaa la wareegay Ciidamada Dowladda.



