Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Maanta booqatay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ,halkaasi oo la geeyay inta badan dhaawacyadii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.
Waxa ay mid mid ah usoo aragtay Xaaladda dadkaasi, waxaana ay sheegtay in dhaawacyo badan la geeyay Isbitaalka Madiina.
Wasiirka ayaa tilmaamtay in dadkii dhaawaca ah Xaladood ay wanaagsan tahay marka laga reebo , hal qof oo ku jira Xaalad Halis ah.
In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo adkeeyay,waxaana ka socday howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka.
14-kii Bishaan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Qaraxii ugu weynaa ee Abid ka dhaca Soomaaliya, waxaana uu sababay dhimashadda ku dhawaad 400 oo qof.



