Dhageyso:-Wasiirka Amniga & Taliyaha Booliska oo Su’aalo la weeydiiyey

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Maanta waxaa ay  la kulmeen  Wasiirka Amniga Gudaha XFS Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdi Maxamed Xijaar.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen Arrimaha Amniga iyo in Xubnaha Guddiga ay la xsiaabtamaan Hay’adaha Amniga Soomaaliya si ay u gutaan waajibaadkooda Shaqo.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey ayaa ka warbixiyey Su’aalaha ay weeydiiyeen Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska.