DHAGEYSO: Wasiirka Amniga oo amar bixiyay

Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta amartay in la qaado dhagaxaanta lagu jaray wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Dowladda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay shaqada ugu horeysa ee Wasaaradda Amniga ay qabato in ay tahay in la qaado dhagaxaanta lagu jaray wadooyinka Muqidsho.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasaaradda in iyada ay iska bilowday in ay iska qaado dhagaxaanta xarunteeda ku hareereysnaa, waxaana xigi doona dhagaxaanta yaalla wadooyinka Muqdisho qaarkooda.

C/kaamil Macalin Shukri Afhayeenka Wasaaradda amniga Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka, si loo xaqiijiyo ammaanka caasimadda.

Dhowaan ayay aheyd markii Wasiirka cusub ee Amniga Soomaaliya Maxamed Abukar Islow uu sheegay in uu diyaariyay qorshe lagu sugayo amniga dalka.