Garowe-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka maamulka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo warbaahinta kula hadlay caasimadda Puntland ee Garowe ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan cadow fara badan oo ku soo duulay Soomaaliya gaar ahaan degaanada Puntland.
Waxa uu sheegay codowgaas in ay diidan yihiin mashaariicda hormarineed ee ka socda degaanada maamulka Puntland iyo gobolada kale ee dalka.
Dowladda iyo shacabka ayuu ku booriyay cadowga uu sheegay in hal meel looga soo wada jeesto, si looga guuleysto.
Warbixinta warkan waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug inooga soo diray Wariyaha Risaala ee degaanada Puntland Maxamed Cali Siyaad.


