Dhageyso:- Wasiir Sabriye oo shaaciyey qorshaha dhismaha Golayaasha degaanka

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in dhismaha Golayaasha degaanka ee Degmooyinka Dalka ay muhiim u yihiin Dowladnimada ayna ka wada shaqeynayaan hey’adda ay quseyso.

Mudane; Sabriye, oo soo xirayay shir Saddexdii Cisho ee lasoo dhaafay ugu soconayay Magaaladan Muqdisho wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo dib u heshisiinta Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo daneeyayaasha dhismaha Golayaasha degaannka ayaa lagu Lafa guray sidii howlahaasi loo dar-dar gelin lahaa, iyadoo la marayo heerarkooda kala duwan.

Shirkan oo ah kii 12aad ee noociisa ah ee ay qabato madasha Wadajir, ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka socay hey’adda Qaxootiga  iyo barakacayaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed iyo hey’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Caalamka ee IOM.

Dhageyso Codka Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.