DHAGEYSO: Wasiir Mareeye oo hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Umadda Soomaaliyeed ay muujiyaan kalsooni dowladda Soomaaliya .

Wasiirka ayaa sheegay in uu Soomaaliya u rajeynaayo in ay kusii socoto horumarka hada ka jira waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiir Mareeye ayaa xusay in loo diyaar Garoobaayo shirka Madaxeed Urur Goboleed oo lagu wado in uu dhawaan ka furmo Muqdisho.

Waxa  uu  u rajeeyay  umada Soomaaliyeed in ay ciidaan ciideeda kale ay ku gaaraan horumar iyo Barwaaqo .