Dhageyso:-Wasiir Maareeye”Ma jiri doono Maamul Goboleed la kulmi doona fasax la’aan Madaxweyne Dal”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dalka oo dhan uu Maamulkiisa leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana maamulada dalka qaarkood ay si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka.

Isaga oo Saxaafadda kula hadlayay Muqdisho ayuu sheegay in Madaxda Maamul goboleedyada qaarkood ay si sharci-darro ah ugu dhoofaan wadamo kale lana kulmaan Madaxweyneyaal,taasina wadamada aduunka qaarkood la isku maxmadeeyo.

“Runtii majiri doono Maamul goboleed la kulmi doona Madaxweyne dal kale, isaga oo aan fasax ka heysan Dowladda federaalka sida horay u dhici jirtay waa ay iska kala kulmi jireen, iyada oo xataa dal cadow ah u safray ayuu yiri” Wasiir Maareeye.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Maamul goboleedyada ay isku arkaan inay yihiin dal Madax bannaan oo wixii ay doonaana ay sameyn karaan,isla markaana Go’aamo aan lagala tashan dowladda ay fuliyaan wadankii ay doonaana ay u safraan lana kulmaan Madaxdeeda.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Federaalka uu khilaaf kala dhaxeeyo Maamulada Puntland iyo Jubbaland,sidoo kalena ay dowladda ku howlan tahay dhismaha Galmudug.