Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Maamulka Galmudug oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in uu iska Casilay xilkii uu u hayay maamulka Galmudug.
Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in sababta uu isku casilay in ay tahay ka dib markii uu sheegay in la musuq maasuqay kursigii beeshiiso ay ku laheyd degaanada maamulka Galmudug.
Waxaa uu sheegay kursiga in ay dhaceen Madaxweynaha iyo sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug.
Inta badan wasiirada Galmudug oo qaarkood lagu eedeeyo in aysan aqoon u laheyn xilalka loo magacaabo ayaa ku dhawaaqa in ay iska casileen xilkii loo dhiibay.


