Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin shirar in lagu qabto Guryaha Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in shirar aysan ka warqabin dowladda, islamarkaana aysan fasixin in aan lagu qaban karin Muqdisho.
Waxaa uu sheegay ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo Ammaanka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Shacabka ah in ay isdejiyaan.
Hadalka Wasaaradda Amniga ayaa kusoo beegmaya xilli Ciidamada dowladda Weerar Khasaare dhaliyay ay xalay ku qaadeen Guriga Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.



