Dowladda Kenya, ayaa sameysaneysa xarun lagu dhameystiro hannaanka sameynta tallaalka cudurka Covid19, iyadoo taa kor u qaadi doonto helitaanka talaalka.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in tani ay yareyn doonto ku tiirsanaanta Kenya ee talaalka ay ka sugeyso dalalka deeqda bixiya.
Wuxuu intaa ku darey Kenyatta in haatan ay caddahay inaanay ku tiirsanaan karin oo kaliya dalalka saaxiibada, iyadoo taa aaney waxba ka qaban karin dhibaatada caafimaad ee dalkani lasoo daristay.
Sidoo kale dowladda, ayaa qorsheyneysa iney dhisto xarun lagu farsameeyo talaalada bani’aadamka, iyo sidoo kale talaalada kale ee noolaha.
Madaxweyne Uhuru ayaa carabka ku adkeeyey in dadka iyo dalkaba ay tahay iney isu diyaariyaan wax kasta oo dhici kara, inta aanu mar kale wadankani dharbaaxo ku dhufan cudurka Covid19.
Kenya ayaa laga soo tabinayey waa yadan danbe iney sara u kaceen kiisaska cusub ee cudurka Covid19, iyadoo lagu kordhiyey bandowga habeenkii laba bilood oo dheeraad ah.



