DHAGEYSO: Golaha Wasiirada K/Galbeed oo yeeshay kulan aan caadi aheyn

Baydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu kulan la qaatay wasiirada iyo saraakiisha Maamulkaasi.

Shirkan oo ahaa mid Khamiis walba ay wada yeeshaan wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu maanta ahaa mid ka duwan kuwii hore, maadaama uu ka qeyb galayay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulankan shir Guddoominayay ayaa waxaa looga hadlay ammaanka, Abaaraha iyo cudurada ka dilaacay Degaanadaasi.

Wasiirka War-faafinta Maamulka Koomfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa shirka kadib warbaahinta uga warbixiyay kulanka iyo waxyaabihii looga hadlay.