Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Caabud-waaq oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdiso ayaa ka hadlay Dilalkii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Caabud-waaq.
Wuxuu sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya in looga baahan yahay in ay wax ka qabato xaalada ka jirta Magaalada Caabud-waaq oo maalmahan xaalad amni daro ay ka jirtay.
Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka ku eedeeyay in aysan dan iyo Hiilo ka laheyn Magaalada Caabud-waaq.


