DHAGEYSO WAREYSI: Xildhibaan Dowladda Soomaaliya eedeyn u jeediyay

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdala oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu ku eedeeyay in ay ku guul dareysatay sugidda amniga Dalka.

Wuxuu sheegay Dowladda in aysan xil iska saarin amniga dalka, taasina ay keento in Shabaab ay weeraro ka geystaan meelaha shacabka ay isugu yimaadaan iyo xarumaha Dowladda.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdala ayaa sidoo kale wuxuu sheegay amni darada dalka ka jirta in ay qeyb ka tahay ciidanka oo aan la siin mushaarkooda oo ay xaqa u lahaayeen.