DHAGEYSO WAREYSI: Xildhibaan Dalxa oo ka hadlay Burcad badeed xukun dil ku Sugaya Hindiya

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in la hubiyo xukunka ay wajahaayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India.

Xildhibaanka ayaa sheegay in guddiga arimaha dibada baarlamaanka Soomaaliya ay dadaal dheeri u gali doonaan in ay wax ka qabtaan xukunka dil ah ee ay wajahayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kala duwan ku haystaan xabsiyada dalka India.

Maxkamad ku taalla magaalada Mombai  dalka India ayaa sheegtay in  119 ruux oo loo soo qabtay falal la xiriira burcad badeednimo 50 ka mid ah ay wajahaayaan xukun  dil .

Dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa qirtay in ay ka galeen falalka lagu soo eedeeyay sanadkii hore, waxaana xilligaasi maxkamadu ay sheegtay in ay dib u eegi doono qaar ka mid ah eedeysanayaasha oo aan qaan gaarin.

Horay maxkamad ku taalla dalka India ayaa lasoo taagay dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay burcad badeednimo , laakiin lagama gaarin go’aan rasmi oo lagu shaaciyay xukunka lagu riday.

Madax ka tirsan Saxaafada Soomaaliya ee dalka India aya xaqiijiyey inaanu jirin xukun illaa haatan dhacay, hase ahaatee la filayo in dacwaddan laga go’aan gaaro bishan 30-keeda.