DHAGEYSO WAREYSI: Xiisad ka taagan Gaalkacyo

Xiisad u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxa ay ka taagan tahay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee halkaasi ku sugan.

Xiisadan ayaa si gaar ah waxa ay uga taagan tahay Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo, kaasi oo dhowaan Puntland ay sheegtay in ay balaarineyso dhismaha Garoonka.

Wariyaha Risaala ee Magaaladaasi ayaa soo sheegaya Guryo ku yaalla dhanka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo in la burburiyay, xiisaduna ay tahay mid sii kululaaneysa.

Maxamed Abuukar Dabaashe ayaa waxa uu ka wareystay arrimahaasi Wariye Maxamed Muxudiin (Saxansaxo) oo ku sugan Gaalkacyo.