Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay kulan wadatashi ah oo ku saabsan soo magacaabista Golaha Wasiirada la qaatay xubnaha xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo la hadlay Risaala ayaa sheegay talaabadan in ay qeyb ka tahay balanqaad uu horey u sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle, xilligii Ololaha Doorashada, taasi oo aheyd in xukuumadda cusub uu ku soo dari doono xildhibaanadii codkooda siiyay.



