Maamulka Ahlu-sunna ayaa mudo kadib fasaxay Radio Galgaduud, oo waqti badan hawada ka maqneyd, waxaana shaqadeeda ay si rasmi ah u bilowday xalay, sida ay Risaala u sheegeen Maamulka Idaacadaasi.
Ahlu-sunna ma aysan sheegin sababta intan oo dhan ay u xayireen Radio Galgaduud, sidoo kalena ay u qaateen qalabkii ay Idaacadda ku shaqeyneysay.
Radio Galgaduud ayaa ka mid ah Idaacadaha xubnita ka ah Somali Media Association ee loo soo gaabiyo (SOMA), waxaana arintan soo dhaweysay SOMA.
Xoghayaha Guud ee (SOMA) Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay hadii ay yihiin ururka (SOMA) in ay soo dhaweynayaan sii deynta Radio Galgaduud oo mudo badan u xirneyd Maamulka Ahlu-sunna.


