DHAGEYSO WAREYSI: SOMA oo cambaareysay xiritaanka Radio Gedo

Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo (SOMA) ayaa cambaareeyay xariga Radio Gedo ee ku taalla Dollow ee gobolka Gedo oo ay xireen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha Ururka Somali Media Association ee loo soo gaabiyo (SOMA) Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay cambaareynayaan falka lagu xiray Radio Gedo.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka dalbanayaan in ay siidaayaan idaacadaasi oo ah Idaacad Madax banaan , islamarkaana u adeegta bulshada gobolka Gedo.

Xoghayaha Ururka SOMA ayaa xusay in ay ku guuldareysteen dadaallo ay waddeen Saacaddihii lasoo dhaafay oo looga codsanayay taliyaha Ciidanka xasilinta Gedo in ay sii daayaan Idaacaddaasi.

Waxa uu sheegay in uu soo jeedinaayo dowladda Soomaaliya in ay ilaaliso Madax banaanida Warbaahinta,ayna ogolaato in dib ay shaqadeeda ay u bilowdo.