Al-shabaab ayaa waxa ay dad ku dileen Degmada Tiyeeglow ee GobOlka Bakool, kadib markii dhowaan ay la wareegeen gacan ku heynta Degmadaasi.
Dadka Shabaabka ay dileen ayaa waxaa la sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo 5 Qof, kuwaas oo isugu jira ganacsato iyo Rag kale oo Deegaanka ah.
Shabaabka ayaa Dadkan ay dileen waxa ay ku eedeeyeen in ay jaajuus u ahaayeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee dhowaan isaga baxay Degmadaasi.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Shabaab in Degmadaasi ay ku dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, sidoo kalena ay dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah.


