DHAGEYSO WAREYSI: R/wasaare ku xigeenka Sweden oo kormeertay xarumo ku yaalla Muqdisho

Haweenayda lagu magacaabo Asa Romso oo ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Sweden, ahna Wasiirka Iskaashiga ayaa maanta booqasho ku tagtay Xarumo ku yaal Gobolka Banaadir.

Xarunta Dabdamiska Gobolka Banaadir iyo Xarun ay ku xareysan yihiin dhalinyarada Gobolka Banaadir ayeey booqatay haweenaydaan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa sheegay in balan qaad wanaagsan ay u sameysay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Sweden dhalinyaradii ay la hadashay.